Wednesday, July 15, 2026

Maxaa ka cusub kiiska Haashin ee seddexda gabdhood ku dilay Nairobi iyo Maxkamada oo markale la horkeenay

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa shalay si rasmi ah u bilowday dhageysiga dacwadda loo heysto Haashim Dagane, oo ah muwaadin Soomaali ah, kaasi oo lagu eedeeyay inuu si naxariis-darra ah u dilay afar haween ah oo ku noolaa xaafadda Islii.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in maxkamadda la horgeeyay muuqaallo ay duubeen kaamaradaha CCTV-ga, kuwaas oo muujinaya afduubka haweenka ka hor inta aan la dilin. Sarkaal ka tirsan waaxda DCI ayaa soo bandhigay caddeymaha muuqaalka ah ee baaritaanka ku jira.

Kiisaska loo heysto eedeysanaha waxaa ka mid ah saddex dumar ah oo ka wada tirsanaa hal qoys, kuwaas oo la dilay bishii Oktoobar 2024, waxaana uu dilay Dahabo Daa’uud Siciid, Aamina Cabdirashiid iyo Muuseiba Cabdi Maxamuud  12 jir

Qoyska ayaa sheegay in maydka hooyada qoyska laga helay deegaanka Machakos, oo 61 km u jirta Nairobi.

Haweeneyda afaraad ee kiiska ku jirta waxay ahayd Deeqa Cabdinuur, oo iyadana la rumeysan yahay in lagu afduubay Islii, kaddibna loo geystay fal dil ah.

Maxkamadda ayaa weli socota iyadoo la filayo in la soo bandhigo caddeymo dheeri ah oo ku saabsan safarradii eedeysanaha, socdaalkiisa gudaha magaalada, iyo xiriirka uu la lahaa haweenka la dilay. Qareennada qoysaska dhibbanayaasha ayaa dalbaday in kiis walba si madax-bannaan loo baaro, maadaama falalku muujiyeen nidaam iyo qorshe horay loo dejiyay.

Dhageysiga kiiska ayaa dib u bilaaban doona maalmaha soo socda, waxaana lasugayaa go’aanka maxkamadda ee ku saabsan caddeymaha la horkeenay.

WARARKII KALE

 Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Doha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta...

Shir Looga Hadlay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Muqdisho Lagu Qabtay

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Banaadir, Ciise Maxamuud Guure,...

Trump oo ka laabtay lacagihii 20% ee uu kusoo rogay marinka Hormuz

Donald Trump ayaa ka sheegay bartiisa Truth Social inuu...

Ingiriiska oo Maraykanka kala hadlay Canshuuraha Marinka Hormuz

Xooghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska, Yvette Cooper, ayaa sheegtay inay...

DF oo sheegtay in xalay G/Hiiran lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay diyaarado dagaal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles