Tuesday, March 3, 2026

Maxaa ka cusub saaka xaalada Beledxaawo?

Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa weli wajahaysa xiisad dagaal kadib iska horimaad culus oo shalay halkaasi ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaa magaalada Beledxaawo, waxaana laga cabsi qabaa in dhinacyada ay isku dhacaan, maadaama gurmad ciidan ay kala heleen.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii diyaarad ciidan lagu keenay Cabdirashiid Janan, oo dowladda Federaalka u magacowday Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda gobolka Gedo. Jubaland ayaa tallaabadaas ku sheegtay mid halis gelineysa amniga gobolka, islamarkaana sababtay fawdo cusub.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Beledxaawo ay si buuxda gacanta ugu jirto ciidanka Jubaland, halka Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisa ay ku sugan yihiin xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada, Waxaa la sheegaya in laga cabsi qabo dagaal kale oo halkaas ka qarxa.

Isgaarsiinta magaalada ayaa hawada ka maqan, iyadoo dadku isticmaalayaan adeegyada isgaarsiinta Safaricom ee Mandheera. Xiisadda ayaa ah salka ku haysa khilaafka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda Federaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saakay xaalada ay degan tahay, balse cabsi xooggan ay dareemayaan dadka deegaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa midba midka kale ku eedeynaya in xiisad ay ka abuurayaan magaalada Beledxaawo

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles