Maxaa Ka Jira Khilaafka u Dhexeeya Maxkamadda Sare iyo Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya?

Waxaa cirka isku shareeray jahwareerka siyaasadeed ee hareeyay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kadib markii ay soo baxeen warar is khilaafsan oo ka kala yimid Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo Maxkamadda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, arrintaas oo sababtay dib u dhac ku yimid doorashadii Guddoonka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed oo maanta oo taariikhdu tahay 18-ka May 2026 la qorsheynayay inay dhacdo.

Khilaafka cusub ayaa billowday kadib markii guddiga doorashooyinka uu shalay shaaciyay in xubnihii dhawaan lagu doortay doorashooyinkii Koonfur Galbeed loo gudbiyay Maxkamadda Sare si ay u ansixiso ugana go’aan gaarto sharciyadda doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada. Guddigu wuxuu sheegay inuu sugayo jawaabta maxkamadda si loo guda galo dhaarinta xildhibaanada cusub iyo jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka iyo hoggaamiyaha maamulka.

Hase yeeshee, Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa goor dhow war-saxaafadeed ay soo saartay ku beenisay in wax natiijo doorasho ah si rasmi ah loogu gudbiyay, iyadoo sheegtay in illaa hadda aysan jirin wax dokumenti rasmi ah oo la xiriira doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay heshay.

Qoraalka Maxkamadda Sare ayaa si toos ah uga hor imaanaya hadalkii guddiga doorashooyinka, waxaana taasi dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan hufnaanta habraacyada doorashada, wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo halka uu marayo geeddi-socodka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Dib u dhaca ku yimid doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada ayaa imaanaya xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay sii cakirmeyso, iyadoo ay jiraan murano xooggan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, sharciyadda hay’adaha dastuuriga ah iyo kalsoonida siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo mucaaradka.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in is burinta labada dhinac ay muujineyso jahawareer maamulka doorashooyinka hareeyay, islamarkaana ay dhaawici karto kalsoonida shacabka iyo saamileyda siyaasadda ku qabaan hannaanka dimuqraadiyeynta dalka.

Ilaa hadda lama shaacin jadwal cusub oo loo asteeyay doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, iyadoo indhaha siyaasadda Soomaaliya ay si weyn ugu jeedaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan Maxkamadda Sare iyo Guddiga Doorashooyinka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidanka NISA oo kala dhex galay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee...

RW Xamsa oo kulan la qaatay gudduga Qaran ee Maareynta Khataraha masiibooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre,...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad maraiiyay heshiis muhiim u ah Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir...

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi oo weerar qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar...

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles