Wednesday, November 12, 2025

Maxaa ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Xaalad kacsan ayaa ka taagan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii shirkadda Turkiga ah ee Favori LLC ay shaqada ka joojisay boqolaal shaqaale Soomaaliyeed ah oo ka howlgelayay garoonka, sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Go’aankan ayaa sababay in shaqaalihii la eryay ay sameeyaan mudaharaad ballaaran gudaha garoonka, iyagoo ku eedeeyay maamulka shirkadda inay si “nasiib darro iyo takoor ah” u ceyrisay shaqaalaha Soomaaliyeed, halka ay shaqaalihii beddelay ka keentay dalal shisheeye.

Wararka ahaaa sheegaya in qaar kamid ah shaqaalaha cusub ee lagu beddelayo Soomaalida ay yihiin ajanib laga keenay Turkiga iyo dalal kale, taasoo sii hurisay caro iyo gadood ka dhex aloosmay shaqaalaha la ceyriyay.

Sidoo kale waxaa la filayaa in mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay tagaan garoonka si ay ula hadlaan labada dhinac oo xaaladdu ay u muuqato mid kasii dareyneysa.

Qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka ayaa sheegay in hawlihii duulimaadyada qaarkood ay hakad galeen, kadib markii qaar kamid ah shaqaalaha muhiimka ah ay joojiyeen shaqooyinkii ay hayeen.

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo muddooyinkii dambe la hadal-hayay khilaaf soo jireen ah oo u dhexeeyay shaqaalaha maxalliga ah iyo maamulka shirkadda Favori, kaas oo ku saabsan mushaarka, xuquuqda shaqaalaha iyo go’aano lagu sheegay kuwo cadaalad darro ah.

WARARKII KALE

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay bilaabashada qeybinta kaararka codbixinta ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Go’aano culus ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhammaaday...

Farmaajo oo ku soo wajahan Muqdisho iyo loolan siyaasadeed uu ka bilaabayo G/Banaadir

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu...

Madaale oo sheegay in Xisbiga MW Xasan Sheekh ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),...

Madaxweyneyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Venezuela oo diyaarisay qorshe dagaal oo looga hortagayo duullaan Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles