Wednesday, March 18, 2026

Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada ee Maamulka Hirshabelle?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulkaasi.

Ugu horeyn Wasaaradda Amniga ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan halka uu marayo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta waxana ay xuseen in guluf xooggan uu weli ka socdo Hirshabeelle kaas oo lagu naafeeyay Khawaarijta iyagoo lagu baacsanayo dhulka howdka ah.

Wasaaraddaha Gargaarka, Caafimaadka, Qorsheynta, Waxbarrashada, Maaliyadda iyo Gaadiidka ayaa soo bandhiggay saameynta dagaalka iyo qaabka ay ula tacaalayaan xaaladdaha soo kordhay.

Wasaaradda Cadaallada ayaa tilmaamtay maxaabiista dagaalka lagaga qabtay Khawaarijta in la marsiin doono hab-raaca sharci ee garsoorka.

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay inuu gabogabo marayo hirgelinta Raadiyaha Dowladda Hirshabeelle oo laga dhageysan doono labada gobal ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe kaas oo qeyb ka noqon doono wacyigelinta iyo baabi’inta fikirka xagjirka ah.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa kulanka Golaha Wasiirrada uga mahadcelisay guud ahaan Haweenka Hirshabeelle oo aagagga dagaalka gaarsiiyay cunto iyo agab kale oo dhiirogelin u ah Ciidamada Qalabka Sida iyo Xaq-u-dirirka deegaanka.

“Hirshabeelle waxa ay heegan ugu jirtaa oo waqtigeeda ugu badan gelineysaa howlgalka dabar-goynta Khawaarijta. Lama siyaasadeyn karo dhiigga muwaadinka naf-bixiyaha ah lagumana qarin karo been-abuur.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa amray in Golaha Wasiirrada ay iska xaadiriyaan furimaha dagaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Lafta gareen oo tagay Baydhabo xilli uu khilaaf kala dhexeeyo DFS

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada ka soo horjeeda Lafta gareen oo fariin adag u diray DFS

Xildhibaano ka tirsan BFS ee laga soo doortay deegaanada...

Koofur Galbeed oo xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu...

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laba maalmood ku xayirnaa badda oo la badbaadiyay

Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles