Sunday, April 12, 2026

Maxaa looga hadlay shirkii Mucaaradka ee xalay ka dhacay Muqdisho?

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa xalay shir xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inay ka arrinsadaan shirka siyaasadeed ee dhawaan lagu qaban doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii ay heleen casuumaad rasmi ah oo uga timid dowladda Kenya.

Arrintan ayaa abuurtay hadal hayn xooggan oo gudaha dalka ka dhex dhalisay dood siyaasadeed.

Shirka Madasha Samatabixinta wuxuu xooga saaray, Qiimeynta casuumaadda Kenya ee ku saabsan shirka Nairobi, Saamiga Madasha ee shirka lagu qabanayo, Xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka doorashada

Xubnaha madasha waxay ku heshiiyeen in loo baahan yahay in la yeesho hal wakiil oo awood buuxda u leh matalaadda Madasha, si looga fogaado jahwareer iyo faro badan oo kala duwan oo ka dhasha haddii xubno badan la diro.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa go’aamiyay in Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame uu noqdo qofka keliya ee Madasha ku matali doona shirka Nairobi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa lagu tilmaamay mid leh khibrad siyaasadeed oo qoto-dheer, isla markaana si weyn ugu xiran beesha caalamka. Doorashadiisa waxay muujineysaa in mucaaradku doonayaan in si mideysan oo rasmi ah loo dhageysto aragtidooda ku saabsan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

Shirka Nairobi oo ay qabanqaabinayso dowladda Kenya, isla markaana ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin iyo wakiillo caalami ah, ayaa diiradda lagu saari doonaa, Jahwareerka siyaasadeed ee ka dhashay qaabka doorashada Soomaaliya, Habsocodka doorashada qof iyo cod ah ee dowladda ay wado, Kala aragti duwanaanta sii kordheysa ee u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka, Xaqiijinta in hanaanka doorashada lagu gaari karo heshiis siyaasadeed oo waafi ah

Wararka soo baxaya waxay tilmaamayaan in beesha caalamka ay daneynayso inay fahanto dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho iyo sida ay u wajahaan muranka xukuumadda iyo mucaaradka.

Golaha Mustaqbalka oo Isku Diyaarinaya Kulamo Diblomaasiyadeed

Sidoo kale, xubnaha ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inay Nairobi kula kulmaan qaar ka mid ah:

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddiga joogtada ee BFS oo maanta lagu hor dhaariyay wasiiro iyo xildhibaan Cusub

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan...

Munaasabada xuska 12 April ee Ciidamada xoogga oo ka socota Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga...

Munaasabada xuska 12 April ee Ciidamada xoogga oo ka socota Muqdisho

Munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga...

Fiqi oo hambalyo u diray ciidamada xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u...

Guddoomiyihii hore Golaha shacabka oo eedeyn u jeediyay MW Xasan Sheekh

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles