Guddiga fulinta IMF oo soo gabangabeeyey dib u eegista 4-aad ee qorshaha ka dib deyn cafinta Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay soo saareen Guddiga Sare ee Fulinta Hey’adda Lacagta Adduunka, ku waas oo soo saaray natiijada hannaanka dib-u-eegista 4-aad oo ku salaysan wadashaqaynta Dowladda Soomaaliya iyo IMF kadib deyn cafinta, waxa uu sidoo kale go’aan kaan muujinayaa marqaatiga dadaalka Dowldda Soomaaliya ee dadaalka dib-u-dhiska iyo horumarinta dakhliga Dowladda.

Sida ku cad warbixinta IMF, waxaa lagu yiri, “Dowladda Soomaaliya waxa ay sii wadday dadaalka waxqabad muuqda oo horumar maaliyadeed ah xili ay jiraan caqabado waaweyn oo caalami ah, gaar ahaan hoos u dhaca ku yimid gargaarka dibadda. Sidoo kale markii ugu horreysay, Soomaaliya waxa ay qorsheyneysaa in ay balaariso kharashka ku baxa adeegyada arrimaha bulshada iyada oo la adeegsaneyo dakhliga gudaha si loo yareeyo saameynta qaar ka mid ah gargaarka dibadda oo go’ay.

Dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hormuudka ay ka tahay Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sababay in haaatan ay ku dhawaaqaan Guddiga Sare ee IMF in Dowladda Soomaaliya loo ansixisay lacag dhan ​​​​$40 milyan oo doolar ah taageerada hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS  Biixi Imaan Cige ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ku taagan tahay waddada saxda ah, iyada oo hirgelinaysa dib-u-habayn muhiim ah oo kor u qaadaysa adkeysiga, xoojinaysa maamulka, iyo taageerada kobacintq dhaqaalaha dalka

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles