Saturday, February 28, 2026

Maxaa looga hadlayaa shirka Golaha Ammaanka ee Q.M ee Furmaya Mareykanka?

Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa maanta si rasmi ah looga furay kalfadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo socon doona inta u dhexeysa 22-ka ilaa 27-ka Sebtembar, iyadoo lasoo xirayo 29-ka bishan. Kalfadhigan oo sannadle ah ayaa lagu wadaa in madaxda dalalka xubnaha ka ah QM ay kaga doodaan caqabadaha ugu waaweyn ee caalamka horyaalla.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa shirkan, waxaana lagu wadaa inuu jeediyo khudbad rasmi ah oo uu kaga hadlayo arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, xaaladda guud ee dalka iyo kaalinta Soomaaliya ee dadaallada caalamiga ah.

Ajandaha sannadkan waxaa ugu weyn ka doodista isbeddelka cimilada iyo saameynta taban ee uu ku yeeshay dunida, iyadoo hoggaamiyeyaashu ay raadinayaan xal waara oo lagu yareyn karo khataraha deegaanka. Sidoo kale, waxaa madasha looga hadlayaa xaaladda ka taagan Qaza, nabadda iyo amniga caalamka, dib-u-habeynta hay’adaha QM, yareynta saboolnimada, iyo horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay New York la kulmi doona hoggaamiyeyaal caalami ah, si uu ula yeesho wada-hadallo ku saabsan danaha labada dhinac, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Cali Balcad oo muxuu ka yiri shir looga hadlay Qadiyada Falastiin ee ka dhacay Sacuudiga

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar...

Daa’ud Aweys “Taageerada Turkiga waxay xoojisay dagaalka Al-Shabaab”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac...

Burcad-badeed ku fashilantay afduub dooni Iiraan laga leeyahay oo ka dhacay xeebaha Eyl

Koox burcad-badeed ah oo ka baxday deegaanka Maraya ee...

Golaha Mustaqbalka iyo Shirka Difaaca Dastuurka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Golaha Mustaqbalka oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha kala...

Ciro oo ka hadlay aqoonsiga Israa’iil iyo dagaalka ka dhacay Sanaag

Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay kulan afur iyo casho-sharaf isugu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles