Askari ka tirsan DFS oo darawal ku dilay Kaaraan

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay Carab Cali, oo ahaa darawal gaari nooca Leyla Calaawi ka shaqeeyo.

Gaariga uu marxuumku waday ayaa ka mid ahaa kuwa isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka, sida uu Risaala u sheegay adeerka wiilka la dilay.

Dilka ayaa ka dhashay muran ku saabsan lacag uu askarigu ka qaadi rabay darawalka.

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana socda howlgal  lagu raadinayo si gacanta loogu soo dhigo.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Kaaraan ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay.

Dadka isticmaala gawaarida isaga kala goosha Muqdisho iyo gobollada kale ayaa inta badan cabasho ka muujiya ciidamo ku labisan dareeska dowladda oo lacago sharci darro ah ka qaada, halka marar badan lagu eedeeyay inay dhibaatooyin u geystaan darawallada, oo ay ku jiraan dhacdooyin jirdil iyo xitaa toogasho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles