Friday, April 3, 2026

Maxaa looga hadlayay kulanka Aqalka Sare ee BFS

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta kowaad ee afar hindise sharciyeed ayaa kala ahaa.

1- Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Hay’addaha Maaliyadda.

2- Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Canshuurta Dakhliga

3- Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska.

4- Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga dhaqista iyo ka hortaga maalgelinta argagixisada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay oo kala ah laba hindise sharciyeed oo cusub iyo labo sharci oo wax-ka-beddel lagu sameeyey, isagoo tilmaamay muhiimada ay u leeyihiin dowlad dhiska iyo awood siinta hay’addaha maaliyadda iyo maalgashiga ee dalkeenna.

Dhanka kale wasiirku wuxuu si qoto-dheer u sharraxay hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska oo baahi weyn u qabaan bangiyada maalgaliya ganacsiyada yaryar iyagoo daymiya lacago dadwaynaha Soomaaliyeed si ay ganacsigoodu u kobco. wuxuuna sharciga caymisku ka wasaaradda maaliyadda oggolaanayaa in wasaaraddu ay korjoogtayn ku sameyno karto hay’addaha/hay’adaha caymiska bixiya.

 

WARARKII KALE

Mahad Salaad oo la kulmay madaxda hay’adaha CIA iyo FBI

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA),...

Taliya ciidamada xoogga oo sheegay inuu bilaaban doono howlgal culus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo...

Guddoomiye Shuute oo Fariin adag u diray Ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute...

Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo wada hawlgalo lagu baacsanayo...

Iran oo si adag ugu hadashay Trump

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbas Araghchi ayaa sheegay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles