Tuesday, March 3, 2026

Maxay ka wadahadleen Axmed Madoobe iyo Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka  Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay oo booqasho ku yimid Jubaland.

Wafdiga, oo ay ka mid yihiin saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka AUSSOM, ayaa kulanka ay la qaateen Madaxweynaha waxaa diirada lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Intii uu kulanku socday, Ergayga Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaallada isku-tashiga ah ee Dowladda Jubaland ay ku xoreeynayso deegaanada kala duwan ee Jubaland iyo xasilinta goobihii ugu dambeeyay ee la xoreeyay, isaga oo xusay in Ciidamada Dowladda Jubaland ay ka muujiyeen waxqabad la taaban karo oo muhiim u ah nabadgalyada Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles