Sunday, April 12, 2026

Maxay ka wadahadleen guddiga doorashooyinka iyo saraakiisha Booliska?

Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan ee Qaranka iyo saraakiisha sare ee hay’adaha amniga ayaa kulan muhiim ah ka yeeshay doorashada la filayo inay ka dhacdo caasimadda.

Kulankan, oo diiradda lagu saaray diyaargarowga iyo sugidda amniga doorashooyinka, waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan ee Qaranka, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, iyo saraakiil kale oo ka socday hay’adaha amniga caasimadda.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka, adkaynta amniga goobaha loo asteeyay in doorashadu ka dhacdo, iyo xoojinta isku-duwidda hay’adaha amniga, iyo muhiimadda ay leedahay in muwaadiniintu helaan doorasho ku dhacda jawi nabdoon, xasilloon, isla markaana amni buuxa leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo magacowday Guddiga Farsamada Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ayaa...

Cumar C/Rashiid oo digay halista ka dhalan karta shidaal qodista

RW hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa...

Geelle oo mar 6-aad loo doortay Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha...

Uganda oo weerar afka ah ku qaaday Turkiga, kuna faanay doorkii Uganda ee dagaalladii Muqdisho

Taliyaha Ciidamada dalka Uganda, ahna wiilka Madaxweynaha Yoweri Museveni,...

Ciidamada Amniga oo qaraxyo ku qabtay Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles