Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Turkiga ufadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ambassador Alper AktaÅŸ.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo Dowlada Turkiga, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay arrimaha horumarinta, Amniga, Gargaarka Bani’aadannimo iyo taageerada Mashaariicda adeegyada Bulshada.
Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga doorka muuqda ee ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda ka socda deegaannada Koonfur Galbeed, Xaqiijinta Amniga iyo Arimaha Bani’aadannimada.Safiirka Dowladda Turkiga Ambassador Alper Aktaş ayaa dhankiisa bogaadiyey dadaallada Dowlad Koonfur Galbeed ee ku aaddan nabadeynta, horumarinta iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah, isagoo xaqiijiyey in Turkigu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya gaar ahaan Koonfur Galbeed.


