Maxay ka wadahadleen madaxweyneyaasha Turkiga iyo Soomaaliya?

Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Dolmabahçe ee magaalada Istanbul waxa uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Labada Madaxweyne ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta, iyadoo Madaxweyne Xasan iyo Erdoğan ay dul-istaageen miro-dhalka iskaashiga maalgashi ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga doorka ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska, adeegyada bulshada iyo amniga.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxa ayna hambalyeeyeen billowga soo saarista shidaalka Soomaaliya oo markabkii qodi lahaa uu soo gaaray dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles