Monday, May 11, 2026

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si adag u cambaareeyay safiir Israel u magacowday Somaliland

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka ay Israa’iil ku shaacisay inay wakiil diblomaasiyadeed u soo magacawday Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xoghaynta guud ee ururka.

OIC ayaa sheegtay in tallaabadan ay u aragto mid xadgudub ku ah madax-bannaanida, midnimada qaran iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ururku waxa uu ku tilmaamay Somaliland “gobol ka tirsan waqooyi-galbeed Soomaaliya”, isaga oo diiday sharciyadda magacaabistaasi.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Israa’iil, oo OIC ku tilmaantay “quwad gumeysi”, ay qaaday tallaabo aan waafaqsanayn mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo axdiyada Qaramada Midoobay.

Dhanka kale, OIC waxay mar kale caddeysay inay si buuxda ula garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageero buuxda u hayso madax-bannaanideeda, wadajirka dhulkeeda iyo hay’adaha sharciyeysan ee dalka.

Ururka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah, gaar ahaan kuwa dhigaya dhowrista madax-bannaanida iyo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah beesha caalamka.

Ugu dambeyn, OIC waxay ku adkaysay in tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Soomaaliya ay tahay mid aan la aqbali karin, iyadoo ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

DFS iyo Beesha Caalamka oo ka wadahadlay arrimaha amniga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda  Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa...

DFS oo mucaaradka ku eedeysan inay abaabulayaan banaanbax rabshado wata

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diidaneen dibadbax...

Shacabka Koofur Galbeed oo saaka doorasho u dareeray

Deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa saaka looga...

Mucaaradka oo aqbalay in Bannaanbaxa lagu qabto Garoonka Injineer Yariisow

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn aqbalay in bannaanbaxooda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles