Wednesday, March 4, 2026

Maxay ka wadahadleen MW Xasan Sheekh iyo Racep Erdogan?

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa xarunta madaxtooyada dalkaas kula kulmay dhiggiisa Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo dib-u-dhiska dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga taageerada hagar la’aanta ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu yahay saaxiib lagu kalsoonaan karo oo garab istaagay shacabka Soomaaliyeed xilliyo adag oo taariikhi ah.

“Turkiga wuxuu mar kasta la garab taagnaa Soomaaliya hiil iyo hooba, Waa saaxiib muhiim ah oo door weyn ka qaadanaya dhismaha dowladnimada, horumarka, iyo nabadeynta dalka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhinaciisa, Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyey in Turkigu sii wadi doonto taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.y xoojinta xiriirka iyo walaaltinimada adag ee ka dhaxaysa labada dal ee walaalaha ah.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles