Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo uu weheliyo Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan, iyo saraakiil sar-sare oo kale.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, dardargelinta hawlaha socda, gaar ahaan; tababarrada ciidamada, taageeridda dhismaha awoodda difaaca, iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Dowladda walaalaha ah ee Turkiga doorka hagar la’aanta ah iyo garab istaagga ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay kaalintooda la dagaallanka argagixisada, tayaynta ciidanka iyo guulaha wadajirka ah ee laga gaaray iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka oo ay ka mid tahay dawladda Turkiye.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay inay jiraan kooxo cadow ku ah dowlad dhiska Soomaaliya oo dhibsanya xiriirka labada dal ee sii xoogeysanaya iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka, ahna ku simaha taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles