Tuesday, August 11, 2026

Maxay ka wadahadleen Wasiirka Difaaca iyo Wakiilka Gaarka ee Midowga Afrika?

Wasiirka Gaashaandhigga XFS  Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye-Gaas Odawa Yusuf Rage, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ku-xigeenkiisa Mudane Mouktar Ousman Karie, iyo Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sareeye Guud Sam Kavuma.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Howlgalka AUSSOM, hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Amniga, iyo dardargelinta howlgalada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha Khawaarijta ah ee dalka dhibaateeya.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay AUSSOM doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xasillinta dalka, gaar ahaan Qaybta Koowaad, iyo kaalintooda howlgaladii ugu dambeeyay ee lagu xoreeyay magaalada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles