Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Ikraan Maxamed ayaa maanta ka hor qiratay maxkamad ku taalla gobolka Minnesota inay ku kacday fal lunsasho lacageed oo aad u weyn.
Ikraan ayaa lagu eedeeyay inay si sharci darro ah u lunsatay lacag dhan $14 milyan oo doolar, iyadoo qiratay in $1.3 milyan oo ka mid ah lacagtaas ay si toos ah ugu shubatay jeebkeeda.
Wararka maxkamadda ayaa sidoo kale sheegaya in Ikraan ay dalbatay in laga dhaafo dacwad kale oo dheeraad ah oo la xiriirta kiis laaluush, taas oo horey loogu furay, iyadoo qirashadeeda dambiga ay qeyb ka tahay heshiis ay la gashay xeer ilaalinta.
Dhanka kale, shan qof oo kale oo Soomaali ah ayaa iyaguna maanta la horgeeyay maxkamadda, kuwaas oo lagu soo oogay dacwado la xiriira xatooyo iyo musuqmaasuq ka mid ah lacag dhan $240 milyan.
Kiisaskan ayaa la xiriira fadeexado waaweyn oo ka dhacay gobolka Minnesota, gaar ahaan mashruucii la oran jiray Feeding Our Future, kaas oo lagu lunsaday boqolaal milyan oo doolar oo loogu talagalay gargaar bulsho.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in dacwadahan ay qayb ka yihiin baaritaanno ballaaran oo socda, kuwaas oo lagu beegsanayo shabakado musuqmaasuq oo ku lug leh malaayiin doolar oo lacago dowladeed ah.
Kiiskan ayaa si weyn u soo jiitay dareenka bulshada, gaar ahaan Soomaalida ku nool Mareykanka.
Horey madaxweynaha Mareykanka ayaa ku eedeeyay Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota inay lunsadeen lacago badan, islamarkaana gobolkaasi uu ka jiro musuq maasuq baahsan.


