Tuesday, March 3, 2026

Maxkamada G/Banaadir oo la horkeenay nin loo haysto dambiyo la Xiriira Maalgelinta Argagixisada iyo Lacag Dhaqidda

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir horkeenay eedeysane Ramadaan Caydaruus Cali, kaas oo lagu soo eedeeyay falal culus oo la xiriira Maalgelinta Argagixisada iyo Lacag Dhaqidda.

Sida lagu xusay war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha, Ramadaan Caydaruus ayaa lagu tuhunsan yahay inuu akoonkiisa marsiiyay lacago badan oo la tuhunsan yahay in loo adeegsaday maalgelinta kooxaha argagixisada, si loogu fuliyo falal ka dhan ah amniga qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa, kadib marka ay dhageysatay warbixinta hordhaca ah ee xeer ilaalinta, waxay amar ku bixisay in eedeysanaha lagu hayo xabsi ku-meel-gaar ah inta laga dhammeystirayo baaritaanka kiiska.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa caddeeyay inuu si adag ula dagaallamayo dambiyada la xiriira argagaxisada iyo dhaqaalaha sharci darrada ah, isagoo si toos ah ugu digay cid kasta oo ku lug yeelata ama ka qayb qaadata hawlaha noocaas ah.

Wuxuu xafiisku ballan qaaday in dhammaan cid kasta oo dambiyo la mid ah lagu helo la horgeyn doono cadaaladda si waafaqsan sharciga dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles