Saturday, June 13, 2026

Musharixiinta la tartamaya hoggaamiye C/qaadir Firdhiye oo ka hor yimid Guddi ay dhistay DFS

Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay si kulul ugu cambaareeyeen qaabka ay u socoto doorashada maamulka cusub ee gobolkaas.

Musharraxiintu waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka, iyagoo eedeyn culus u jeediyay Wasiir Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo ay ku sheegeen inuu si toos ah u faragelinayo hannaanka doorashada, isla markaana uu taageerayo koox gaar ah si ay ula wareegaan hoggaanka maamulka.

War-saxaafadeedka oo si wadajir ah loo saxiixay, ayaa lagu sheegay in guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada ee uu magacaabay Wasiirka aanu ahayn mid sharci ah, uuna si cad ugu adeegayo dano gaar ah. Musharraxiintu waxay sheegeen in tallaabadaasi dhaawacayso kalsoonida bulshada ee geeddi-socodka doorashada, islamarkaana ay abuuri karto khilaaf iyo kala fogaansho bulsho oo keeni kara burbur siyaasadeed iyo mid bulsho.

Waxay digniin u direen dowladda Federaalka, iyagoo xusay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban faragelinta socota, ay mas’uuliyaddeeda yeelan doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha.

“Uma dulqaadan doono hannaan doorasho oo la marin habaabiyay, una adeegaya musharrax gaar ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Doorashadu waa in ay ku dhacdaa si hufan, dastuur waafaqsan, iyo rabitaanka shacabka reer Waqooyi Bari.”

Sidoo kale, waxay ugu baaqeen isimada dhaqanka iyo hoggaanka bulshada in ay si firfircoon uga qayb qaataan ilaalinta midnimada, wadajirka bulshada, iyo xaqiijinta in doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay.

Musharraxiinta ayaa ugu dambeyn ugu baaqay beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed in aysan aqbalin hannaan doorasho oo laga leeyahay dano gaar ah, ayna garab istaagaan geeddi-socod doorasho oo hufan, laguna kasban karo kalsoonida shacabka.

WARARKII KALE

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed...

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay saraakiisha Hirshabelle

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles