Maxkamada G/Banaadir oo la horkeenay nin loo haysto dambiyo la Xiriira Maalgelinta Argagixisada iyo Lacag Dhaqidda

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir horkeenay eedeysane Ramadaan Caydaruus Cali, kaas oo lagu soo eedeeyay falal culus oo la xiriira Maalgelinta Argagixisada iyo Lacag Dhaqidda.

Sida lagu xusay war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha, Ramadaan Caydaruus ayaa lagu tuhunsan yahay inuu akoonkiisa marsiiyay lacago badan oo la tuhunsan yahay in loo adeegsaday maalgelinta kooxaha argagixisada, si loogu fuliyo falal ka dhan ah amniga qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa, kadib marka ay dhageysatay warbixinta hordhaca ah ee xeer ilaalinta, waxay amar ku bixisay in eedeysanaha lagu hayo xabsi ku-meel-gaar ah inta laga dhammeystirayo baaritaanka kiiska.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa caddeeyay inuu si adag ula dagaallamayo dambiyada la xiriira argagaxisada iyo dhaqaalaha sharci darrada ah, isagoo si toos ah ugu digay cid kasta oo ku lug yeelata ama ka qayb qaadata hawlaha noocaas ah.

Wuxuu xafiisku ballan qaaday in dhammaan cid kasta oo dambiyo la mid ah lagu helo la horgeyn doono cadaaladda si waafaqsan sharciga dalka.

WARARKII KALE

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles