Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag uga hadlay dhacdadii maanta ka dhacday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, halkaas oo warar ay sheegayaan inay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.
Kheyre ayaa tacsi u diray qoysaska dadka uu sheegay in lagu dilay dhacdada, isagoo Alle uga baryay dadka dhaawacmay inuu caafimaad siiyo.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska shacabkii uu taliska arxanka-daran ee Madaxweynaha muddoxileedkiisu dhammaaday maanta ku gumaaday degmada Yaaqshiid, waxaana Alle ka baryayaa in uu caafimaad ugu deeqo dadka ku dhaawacmay,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale si kulul u dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay in ciidanka qaranka loo adeegsanayo barakicinta dadka danyarta ah iyo waxa uu ku tilmaamay gumaadka shacabka.
“Waxaa ayaandarro iyo musiibo ah in Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud uu barakicinta danyarta iyo gumaadka shacabka u adeegsanayo ciidanka qaranka iyo hubkii loogu deeqay Soomaaliya si loogu adeegsado dagaalka khawaarijta,” ayuu yiri Kheyre.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli degmada Yaaqshiid ay ka taagan tahay xiisad la xiriirta howlgal lagu burburinayo guryo iyo dhul ay dad rayid ah degganaayeen, iyadoo wararka laga helayo deegaanka ay sheegayaan in iska horimaad iyo rasaas ay dhacday.


