Thursday, October 23, 2025

Maxkamadda ICC oo soo saartay amar lagu soo xirayo hogaamiyayaasha Taalibaan

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba ka mid ah madaxda sare ee ururka Taliban, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay tacadiyo u geystaan ​​haweenka iyo gabdhaha dalka Afgaanistaan.

Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa xaqiijisay “sababo macquul ah” oo lagu aamini karo in hogaamiyaha ugu sareeya Hibatullah Akhundzada iyo madaxa cadaalada Abdul Hakim Haqqani ay galeen dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada iyagoo si xun ula dhaqmaya haweenka iyo gabdhaha tan iyo markii ay xukunka ay la wareegeen 2021.

Taalibaan oo ka jawaabaysa waxa ay ku dhawaaqday in aanay aqoonsanayn Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada,iyaga oo ku sifeeyay waaranka qabashada mid “ficil cadawtinimo ah” iyo “aflagaado loo geysanayo caqiidada Muslimiinta caalamka”.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles