Tuesday, March 3, 2026

Maxkamadda ICC oo soo saartay amar lagu soo xirayo hogaamiyayaasha Taalibaan

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba ka mid ah madaxda sare ee ururka Taliban, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay tacadiyo u geystaan ​​haweenka iyo gabdhaha dalka Afgaanistaan.

Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa xaqiijisay “sababo macquul ah” oo lagu aamini karo in hogaamiyaha ugu sareeya Hibatullah Akhundzada iyo madaxa cadaalada Abdul Hakim Haqqani ay galeen dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada iyagoo si xun ula dhaqmaya haweenka iyo gabdhaha tan iyo markii ay xukunka ay la wareegeen 2021.

Taalibaan oo ka jawaabaysa waxa ay ku dhawaaqday in aanay aqoonsanayn Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada,iyaga oo ku sifeeyay waaranka qabashada mid “ficil cadawtinimo ah” iyo “aflagaado loo geysanayo caqiidada Muslimiinta caalamka”.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles