Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ku saabsan Teknolojiyadda oo ka socda Switzerland

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay shirweynaha sare ee WSIS+20 oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirweynahan heer caalami ah, oo ay si wadajir ah u martigelinayaan Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Dowladda Switzerland, ayaa lagu falanqeeyay horumarka dhijitaalka ah ee laga gaaray tan iyo bilowgii WSIS, iyadoo sidoo kale lagu dejinayay jihada cusub ee kobcinta Teknoloojiyadda mustaqbalka.

Intii uu shirku socday, Wasiir Maxamed Aadan ayaa kulammo miro-dhal ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Waaxda Horumarinta Isgaarsiinta ee ITU (BDT), Dr. Cosmas Zavazava, iyo Wasiirrada Isgaarsiinta ee dalalka Malaysia iyo Jabuuti. Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa barnaamijyada horumarinta dhijitaalka ah, gaar ahaan dhinacyada xirfadaha dhallinyarada, amniga internetka, iyo maamulka dowladnimada dhijitaalka ah.

Wasiir Maxamed Aadan waxa uu hoosta ka xariiqay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso wadashaqeynta ay la leedahay ITU iyo daneeyeyaasha kale ee caalamiga ah, si isbeddelka dhijitaalka ah uu u noqdo mid waara,

Wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka waxaa qeyb ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Switzerland iyo Austria, Amb. Khadra Axmed Ducaale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles