Maxkamadda Racfaanka Bariga Afrika oo meesha ka saartay murankii ka dashay soo xulista xildhibaanada Soomaaliya ee EALA

Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika (EACJ) ee fadhigeedu yahay magaalada Arusha ayaa maanta xukun rasmi ah soo saartay, kaas oo ay ku fasaxday xildhibaanada Soomaaliya ee loo soo xulay Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA), iyadoo amartay in si degdeg ah loo dhaariyo si ay u gutaan waajibaadkooda sharciyeed.

Go’aankan ayaa meesha ka saaray murankii ka dhashay habraaca soo xulista xildhibaanada, kaas oo muddo hakad geliyay ka qeybgalka rasmiga ah ee Soomaaliya ee howlaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Intii uu socday go’aanka maxkamadda, waxaa goob-joog ka ahaa Habdhowraha Baarlamaanka Golaha Shacabka, Xoghayaha Guud ee Golaha, iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb galay dhageysiga iyo shaacinta xukunka maxkamadda ee Arusha.

Maxkamaddu waxay caddeysay in habraaca la raacay uu waafaqsan yahay shuruucda Bulshada Bariga Afrika, isla markaana aysan jirin sabab sharci ah oo dib loogu dhigo dhaarinta xildhibaanada.

Go’aankan ayaa la filayaa inuu dardar geliyo ka qeybgalka rasmiga ah ee Soomaaliya ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, isla markaana xoojiyo doorka dalka ee iskaashiga siyaasadeed, sharciyeed iyo horumarineed ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Shiinaha oo si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray saraakiil Maraykan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda...

Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug

Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb...

Ciidamada Koofur Galbeed oo gacanta ku dhigay ninkii dilay Jamaal oo ahaa wiil dhalinyaro ah

Ciidamada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay...

Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab,...

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles