Sunday, December 28, 2025

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo mar kale mudeeysay dhageysiga kiiskii dilka hooyo iyo saddex gabdhood

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa mar kale mudeeysay dhageysiga dacwaddii ciqaabta ee loo haysto saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay dilka hooyo iyo saddexdeeda gabdhood, kuwaas oo lagu dilay deegaanka Qaayiib ee gobolka Galgaduud, 9-kii Oktoobar 2025.

Eedeysanayaasha lagu magacaabo Cabdi Cusmaan Cabdullaahi, Ayuub Maxamed Cabdi, iyo Galad Axmed Xuseen ayaa lagu eedeeyay in ay si arxan darro ah u dileen hooyo Safiya Daahir Welhiye iyo saddex carruurteeda ah, falkaas oo gilgilay bulshada deegaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhageysiga kiiskan la qaban doono maalinta Arbacada 12-ka Nofeembar 2025, saacadda 09:00 subaxnimo, iyadoo amartay in la keeno eedeysanayaasha si ay uga soo qayb galaan fadhiga dacwadda.

Sidoo kale, Maxkamaddu waxay farriin u dirtay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee DGGM iyo qareennada difaacaya eedeysanayaasha, si ay u hubiyaan joogitaanka maxkamadda waqtigaas la cayimay.

Kiiskan ayaa ka mid noqday kiisaska ugu culus ee dhawaanahan la horkeeno maxkamadaha Galmudug, waxaana bulshada deegaanku si dhow isha ugu hayaan go’aanka ay Maxkamadda Racfaanka kasoo saari doonto dhageysigan soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo cambaareeyay go’aankii gardarada ahaa ee Israa’iil

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku...

MW Xasan Sheekh oo si adag ugu horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad...

Baarlamaanka oo ansixiyay qaraar loogu hortagayo xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Senator Dubbe oo iska casilay kursiga xubinimo ee Aqal sare

Senator Cismaan Abukor Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles