Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, ahna xarunta Midowga Afrika (AU), waxaa maanta ka furmaya shirar muhiim ah oo lagu falanqeynayo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo howlgalka uu wajahayo caqabado dhaqaale oo sii kordhaya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu casuumay inay ka qaybgasho shirarkan, waxaana warqad rasmi ah la gaarsiiyay Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa si ay u soo magacawdo xubnaha ka qeybgalaya wada-hadallada heerarka kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in Guddiga Midowga Afrika uu Dowladda Soomaaliya u diray qoraal degdeg ah oo lagu adkeynayo inay si dhaqso leh u soo gudbiso ergadeeda, iyadoo AU ay ballanqaadday inay dabooli doonto dhammaan kharashaadka safarka iyo ka qaybgalka wakiillada Soomaaliya.
Shirarkan farsamo ee ka socda Addis Ababa ayaa gogol xaar u noqonaya Shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee dalalka ciidamada ku leh AUSSOM, kaas oo 31-ka Luulyo 2026 ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Ka hor shir-madaxeedkaas waxaa sidoo kale kulmi doona Taliyeyaasha Ciidamada iyo Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ciidamada ku deeqay.
Inta lagu guda jiro kulamada Addis Ababa, waxaa diiradda lagu saari doonaa xal u helidda dhibaatooyinka dhaqaale ee saameeyay howlgalka AUSSOM, qorshaha maalgelintiisa, iyo jihada mustaqbalka ee ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay wada-hadallo amni la yeelatay dowladaha taageera howlgalka, iyadoo kala hadleysa sidii loo xaqiijin lahaa sii socoshada taageerada iyo ka hortagga xaalad horseedi karta in ciidamada Afrikaanka ah ay si degdeg ah uga baxaan dalka.
Go’aannada kasoo baxa shirarka Addis Ababa ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu ansixiyo Shir-madaxeedka Kampala, kuwaas oo saameyn weyn ku yeelan kara mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo amniga Soomaaliya


