Sunday, March 1, 2026

Midowga Baarlamaanada Carabta oo diiday damaca Israa’iil ee Somalilan

Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa si cad u muujiyey diidmadiisa ku aaddan tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo loogu xadgudbayo madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Madaxweynaha Midowga Baarlamaanada Carabta Mudane Ibraahim Boughaali ayaa lagu adkeeyey in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo leh xaq buuxa oo ku aaddan ilaalinta dhulkeeda, amnigeeda iyo go’aanadeeda siyaasadeed, iyadoo la tixraacayo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay ee mamnuucaya faragelinta arrimaha gudaha dalalka.

Midowgu wuxuu sidoo kale cambaareeyey tallaabo kasta oo lagu wiiqayo madaxbannaanida Soomaaliya ama lagu carqaladeynayo xasilloonida gobolka Carabta iyo Afrika, isagoo caddeeyey in amniga Soomaaliya uu si toos ah ula xiriiro amniga guud ee Gobolka.

Ugu dambayn, Midowga Baarlamaanada Carabta wuxuu mar kale xaqiijiyey taageeradiisa buuxda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ixtiraamaan madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles