Golaha wadatashiga Qaranka oo ka horyimid damaca Israa’iil

Goluhu wuxuu mar kale si cad u adkeeyay in Soomaaliya ay ku taagan tahay ilaalinta midnimadeeda dhuleed iyo madax-bannaanideeda, sida ay waajib uga dhigayaan Dastuurka KMG ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo Axdiga Midowga Afrika.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si buuxda u diiday kuna gacan sayray tallaabo kasta oo sharci-darro ah oo ay Israa’iil ku doonayso inay ku aqoonsato qayb ka mid ah gobollada waqooyi ee Soomaaliya, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka, isla markaana halis ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bariga Dhexe.

Goluhu wuxuu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo qaran, wacyi iyo isu-taag, isla markaana ay ka fogaadaan fal kasta ama hadal kasta oo wax u dhimaya wadajirka, amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.

Golaha ayaa soo dhaweeyay kuna bogaadiyay qabsoomidda doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee 25-kii Diseembar, isagoo ku tilmaamay horumar siyaasadeed iyo tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo dimoqraadiyad dhab ah.

Sidoo kale, Goluhu wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta doorashooyinka golayaasha deegaanada ee dowlad-goboleedyada, si loo xoojiyo hannaanka dimuqraadiyadda iyo dowlad-wanaagga.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in la sii xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, si dalka looga ciribtiro argagixisada loona xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ugu baaqay beesha caalamka, hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan taageerada bini’aadantinimo iyo tan horumarineed ee lagu badbaadinayo shacabka ay abaartu saameysay.

 

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles