Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deegaanka Jabad Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen halkaas.
Howlgalkan ayaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad fara badan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana gudaha deegaanka daadsan meydad badan oo ay ciidamada qaranku nafta dhaafiyeen.
Deegaanka Jabad Godane ayaa wax ka yar 15 KM u jira deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ciidamada weli wada howlgallo sifeyn ah oo ka socda guud ahaan gobolka.
Deegaankan oo maleeshiyaadka Al-Shabaab maalmihii dambe si gaar ah muhiimad u siinayeen, ayaa barqadii maanta ciidamada si buuxda ula wareegeen, iyagoo burburiyay goobihii gabaadka u ahaa kooxda.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah mid lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, looguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanadii laga saaray.


