Monday, April 6, 2026

Milatari Soomaaliya oo dagaal kula wareegay Deegaanka Jabad Godane

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deegaanka Jabad Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen halkaas.

Howlgalkan ayaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad fara badan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana gudaha deegaanka daadsan meydad badan oo ay ciidamada qaranku nafta dhaafiyeen.

Deegaanka Jabad Godane ayaa wax ka yar 15 KM u jira deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ciidamada weli wada howlgallo sifeyn ah oo ka socda guud ahaan gobolka.

Deegaankan oo maleeshiyaadka Al-Shabaab maalmihii dambe si gaar ah muhiimad u siinayeen, ayaa barqadii maanta ciidamada si buuxda ula wareegeen, iyagoo burburiyay goobihii gabaadka u ahaa kooxda.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah mid lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, looguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanadii laga saaray.

WARARKII KALE

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles