Guddiga joogtada ee Golaha shacabka oo labo garab u kala jabay

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay in Golaha ay ka doodaan dhameystirka Dastuurka iyo in uu sii socdo Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka, kaas oo waqtigiisu horey u dhammaaday.

Khilaafkaan ayaa yimid kaddib markii ay soo baxeen aragtiyo kala duwan oo xubnaha guddiga ka dhex jira, kuwaas oo qaarkood taageersan in la dedejiyo doodda ku saabsan Dastuurka, halka kuwa kalena ay ku adkeysanayaan in marka hore la go’aamiyo xaaladda sharci ee kalfadhiga.

Qaar kamid ah xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay la hadlaan saxaafadda, iyagoo faahfaahin ka bixin doona arrinta taagan iyo sababaha keenay kala aragti duwanaanta.

Horay, Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ayaa sidoo kale u kala jabay, taas oo sii xoojisay khilaafka ku saabsan hannaanka iyo waqtiga lagu dhameystirayo Dastuurka.

Khilaafkan ayaa imaanaya xilli dood adag iyo is-mariwaa siyaasadeed ay ka taagan tahay arrimaha dastuurka, doorashooyinka, iyo mustaqbalka hanaanka dowladnimada dalka

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles