Midowga Yurub oo taageeray shirka ay aqbaleen Mucaaradka

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa soo dhaweeysay go’aanka ay qaateen hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee mucaaradka ah, kuwaas oo aqbaleen ka qeybgalka shir wadatashi oo ay martiqaad ka heleen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Francesca Di Mauro ayaa qoraal ay ku baahisay barta X (horey Twitter) ku sheegtay in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay aqbaleen casuumaadda kadib kulan ay yeesheen, iyadoo arrintaas ku tilmaantay “tallaabo togan oo wax dhisaysa.”

Safiirku waxay intaas ku dartay in hadda loo baahan yahay jawi ku habboon oo horseeda wadahadallo miro-dhal ah oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda.

Shirka wadatashiga ayaa lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho 1-da Febraayo 2026, waxaana martiqaadkiisa si rasmi ah uga yimid Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin madaxda Puntland Saciid Deni, Jubbaland Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta madasha mucaaradka, ayaa horey si weyn uga horyimid qorshaha dowladda ee ku aadan nidaamka doorashada “hal qof, hal cod” oo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn.

Dhawaan goluhu wuxuu shuruud ka dhigay in la joojiyo dhammaan wax-ka-beddellada lagu sameynayo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012, si wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro dhal ah oo lagu dhisi karo kalsooni siyaasadeed.

Sidoo kale, la filayo in beri hore Baarlamaanka la horgeeyo wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo xiligan khilaaf weyn iyo dood culus ka taagan tahay meelmarintiisa, maadaama muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka harsan yahay waqti kooban.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles