Wednesday, December 24, 2025

Milateriga Israa’iil oo qirtay in ay dileen shaqaalaha Q.M

Milateriga Israa’iil ayaa qirtay mas’uuliyadda dilka shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay oo loo adeegsaday madaafiic, ka dib markii ay hore u beeniyeen inay ku lug lahaayeen, dhacdo bishii hore ka dhacday Marinka Qasa.

19-kii Maarso, shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay ayaa la dilay ka dib markii la burburiyay xarun ay Qaramada Midoobay ku lahayd Deir al-Balah. Xilligaas, ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) waxay ku andacoodeen inaysan weerarin xarunta.

Si kastaba ha ahaatee, maalintii Khamiista, IDF ayaa sheegtay in natiijooyinka ugu horreeya ee baaritaankooda ay muujinayaan in askartooda ay dileen shaqaalaha Qaramada Midoobay iyagoo si qaldan u beegsaday, ka dib markii ay ka shakiyeen in dhismaha oo ay u maleeyeen in ay ku sugnaayen wax ay ku tilmaameen cadowgooda”.

Bayaankooda waxay ku yiraahdeen: “Dhismaha waxaa la weeraray iyadoo la eegayo xog muujineysa in ay ku jireen dad mucaarad ah,”.

IDF ayaa intaa ku dartay in natiijadan baaritaanka ay u gudbiyeen Qaramada Midoobay, sidoo kalena baaritaan buuxa loo gudbin doono.

Waxay intaa ku dareen: “IDF waxay aad uga xun tahay dhacdadan halista ah waxayna sii wadaysaa inay samayso baaritaan dhab ah si ay u barato oo ay u qiimeyso tallaabooyin dheeri ah oo looga hortagayo dhacdooyinkan oo kale mustaqbalka.

“Waan ka tacsiyeyneynaa dhibaatada dhacday, waxaana uga tacsiyeyneynaa qoyska ay ka baxday”.

Dhacdadan oo sababtay dhimashada Marin Valev Marinov oo u dhalatay dalka Bulgaria oo u shaqaynaysay Qaramada Midoobay, isla markaana ay si xun ugu dhaawacmeen shan kale oo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay, ayaa dhacday maalin uun ka dib markii Israa’iil ay dib u bilowday weerarrada ay ku hayso Xamaas ka dib markii ay burburtay xabbad joojin labada bilood ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka oo Ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka 2026 iyo xildhibaano ka horyimid

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya (BJFS) ayaa...

Qaramada Midoobay: Malaayiin Soomaali ah ayaa la dhibaataysan abaaro baahsan

In ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku...

Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Gaalkacyo

Magaalada Galkacyo ayaa xalay waxaa ka dhacay dhacdo murugo...

Farmaajo oo ka digay muddo kororsi, doorasho hal dhinac ah iyo eedeyn uu jeediyay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal...

Booliska oo qabtay askar hubeysan oo hub ku dhex watay caasimada Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda, Saldhigga Bartamaha,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles