Saturday, August 15, 2026

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir maanta ka furmaya Uganda

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uga qaybgali doono shirka dalalka qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM kaasi oo maanta ka furmi doona.

Socdaalka Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud, ee magaalada Kampala wuxuu imaanayaa xilli muhiim ah, iyadoo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta uu marayo meelo xasaasi ah. Ka qaybgalka shirkan heer sare ah ee ay isugu imaanayaan waddamada qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM (oo badalay AMISOM) wuxuu u muuqdaa mid ka tarjumaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in iskaashi dhaba lala yeesho dalalka gobolka si loo ciribtiro khatarta argagixisada.

Madaxweynaha wuxuu fursad u heli doonaa in uu si toos ah uga warbixiyo madaxda kale ee Afrika horumarka ay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen la-dagaallanka Khawaarijta. Taasoo muujinaysa in dagaalka uu yahay mid ka baxaya heer qaran una sii gudbaya heer goboleed oo wadashaqeyn dhaba lagu dhisayo.

Waxaa kaloo muhiim ah in kulanka Kampala uu ka dhici doono xilli uu socdo dib-u-eegis ku saabsan doorka ciidamada AUSSOM, iyadoo loo eegayo in mar dhow la qorsheynayo in mas’uuliyadda amniga si buuxda loogu wareejiyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. Sidaas darteed, hadallada Madaxweynaha ee shirkaasi waxay noqon doonaan kuwo saamayn siyaasadeed iyo diblomaasiyadeedba leh.

Ugu dambayn, socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu iftiiminayaa doorka hoggaamineed ee Soomaaliya ay rabto inay ka ciyaarto sugidda amniga gobolka, isla markaana ka marag kacaya in dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta aanu ahayn mid keliya oo gudaha ah, balse u baahan iskaashi ballaaran iyo garab istaag caalami ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo codsi u diray maxkamada sare ee Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka codsaday Maxkamadda Sare...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray   Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Xasan Sheekh“Ma jiro qof Soomaali ah oo ay dowladda iyo mas’uuliyiinteedu colaad u hayaan,”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda...

Puntland oo DF ku eedeesay in ay colaad ka hurineyso Gaalkacyo

Puntland oo war qoraal ah saartay ayaa markale dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles