Shil gaari oo sababay dhimasho oo ka dhacay Galgaduud

Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii gaari nooca Laylaa ah uu ku dhacay bar koontarool oo ku yaalla degmada Bangeelle ee gobolka Galgaduud, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Gaarigan oo la sheegay inuu kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho, ayaa si lama filaan ah ugu soo dhacay goob ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka. Tallaabadaasi waxay keentay in ciidamadu furaan rasaas si ay u joojiyaan gaariga, kadib markii ay uga shakiyeen fal suurtagal ah oo amni darro keeni kara.

Rasaasta ay fureen ciidamada ayaa sababtay dhimashada hal nin oo rakaab ahaa, kaasoo saarnaa gaariga islamarkaana uu dhaawac kasoo gaaray dhalada gaariga uu ka daaqayay xilliga ay rasaastu dhacaysay.

Ciidamada booliiska ee degmada Caabudwaaq ayaa gaaray goobta dhacdada, waxayna qaadeen meydka marxuumka si baaritaan dheeraad ah loo sameeyo.

Mas’uuliyiinta deegaanka weli kama aysan hadlin dhacdadan, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa ka muujiyay walaac ku aaddan sida ay ciidamada ula dhaqmayaan xaaladaha amni ee ka jira goobaha baraha koontaroolka.

Dhacdadan ayaa imaneysa xilli gobolka Galgaduud uu wajahayo xaalado amni oo isbeddelaya, iyadoo la dareemayo feejignaan dheeraad ah oo ay sameynayaan ciidamada ammaanka.

WARARKII KALE

Shiinaha iyo Jarmalka oo u digay muwaadiniintooda booqanaya Faransiiska

Raysalwasaaraha Faransiiska, Sébastien Lecornu, ayaa siiyay magaalooyinka Faransiiska awood...

Golaha Mustaqbalka oo shir xasaasi ah ku yeelanaya Nairobi

Hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Madasha Samatabixinta...

Guddoomiye Jaamac oo shaki geliyay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee KGS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed...

DFS oo hub iyo ciidamo hor leh u daabulaysa KGS kadib guulaha Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay hub iyo...

Obama oo difaacay Ilhaan Cumar

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama, ayaa si cad...

Ilaalada Kacaanka Iran oo hanjabaad u dirtay Trump iyo Netanyahu

Saacad ka dib markii Donald Trump uu sheegay inuu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles