Shil gaari oo sababay dhimasho oo ka dhacay Galgaduud

Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii gaari nooca Laylaa ah uu ku dhacay bar koontarool oo ku yaalla degmada Bangeelle ee gobolka Galgaduud, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Gaarigan oo la sheegay inuu kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho, ayaa si lama filaan ah ugu soo dhacay goob ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka. Tallaabadaasi waxay keentay in ciidamadu furaan rasaas si ay u joojiyaan gaariga, kadib markii ay uga shakiyeen fal suurtagal ah oo amni darro keeni kara.

Rasaasta ay fureen ciidamada ayaa sababtay dhimashada hal nin oo rakaab ahaa, kaasoo saarnaa gaariga islamarkaana uu dhaawac kasoo gaaray dhalada gaariga uu ka daaqayay xilliga ay rasaastu dhacaysay.

Ciidamada booliiska ee degmada Caabudwaaq ayaa gaaray goobta dhacdada, waxayna qaadeen meydka marxuumka si baaritaan dheeraad ah loo sameeyo.

Mas’uuliyiinta deegaanka weli kama aysan hadlin dhacdadan, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa ka muujiyay walaac ku aaddan sida ay ciidamada ula dhaqmayaan xaaladaha amni ee ka jira goobaha baraha koontaroolka.

Dhacdadan ayaa imaneysa xilli gobolka Galgaduud uu wajahayo xaalado amni oo isbeddelaya, iyadoo la dareemayo feejignaan dheeraad ah oo ay sameynayaan ciidamada ammaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles