ONLF oo ku hanjabtay inay dib u qaadan doonto hubka kadib weerarkii ka dhacay xafiiskooda ee Jigjiga

Ururka Xoreynta Ogadenia (ONLF) ayaa si kulul uga falceliyey weerar hubeysan oo lagu qaaday xafiiskooda magaalada Jigjiga, iyaga oo sheegay in haddii aan wax laga qaban falalkaas lagu bartilmaameedsanayo xubnahooda, ay dib u qaadan doonaan dariiqii hubeynaa.

Afhayeenka ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge  oo Wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid si gaar ah loogu beegsaday madaxda sare ee ururka, taasoo muujinaysa, sida uu hadalka u dhigay, qorshe siyaasadeed oo lagu daciifinayo jiritaanka ururka.

“Dadka mas’uulka ka ah weerarka waa in si degdeg ah loo soo qabtaa, haddii kale ONLF waxay dib u eegaysaa mowqifkeeda siyaasadeed ee nabadda iyo wada hadalka ku dhisan,” ayuu yiri afhayeenka.

Ururka ONLF ayaa sanadihii u dambeeyey u wareegay hannaan siyaasadeed nabadeed kadib heshiis ay la galeen dowladda Itoobiya, balse waxay hadda muujinayaan walaac xoogan oo ku aaddan xasillooni darrada laga dareemayo deegaanka Soomaalida.

Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli deegaanka Soomaalida uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo qalafsan, waxaana loo arkaa hanjabaadda ONLF mid horseedi karta dib u milicsiga dagaalkii hore ee gobolka ka socday.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles