Thursday, July 2, 2026

ONLF oo ku hanjabtay inay dib u qaadan doonto hubka kadib weerarkii ka dhacay xafiiskooda ee Jigjiga

Ururka Xoreynta Ogadenia (ONLF) ayaa si kulul uga falceliyey weerar hubeysan oo lagu qaaday xafiiskooda magaalada Jigjiga, iyaga oo sheegay in haddii aan wax laga qaban falalkaas lagu bartilmaameedsanayo xubnahooda, ay dib u qaadan doonaan dariiqii hubeynaa.

Afhayeenka ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge  oo Wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid si gaar ah loogu beegsaday madaxda sare ee ururka, taasoo muujinaysa, sida uu hadalka u dhigay, qorshe siyaasadeed oo lagu daciifinayo jiritaanka ururka.

“Dadka mas’uulka ka ah weerarka waa in si degdeg ah loo soo qabtaa, haddii kale ONLF waxay dib u eegaysaa mowqifkeeda siyaasadeed ee nabadda iyo wada hadalka ku dhisan,” ayuu yiri afhayeenka.

Ururka ONLF ayaa sanadihii u dambeeyey u wareegay hannaan siyaasadeed nabadeed kadib heshiis ay la galeen dowladda Itoobiya, balse waxay hadda muujinayaan walaac xoogan oo ku aaddan xasillooni darrada laga dareemayo deegaanka Soomaalida.

Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli deegaanka Soomaalida uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo qalafsan, waxaana loo arkaa hanjabaadda ONLF mid horseedi karta dib u milicsiga dagaalkii hore ee gobolka ka socday.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo DFS ka caawinaya dagaalka ay kula jirto AS

Dowaladda Mareykanka aya fariin ku aadan munaasabada1ada luulyo la...

Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka dalbato...

Saddex qof oo ugu dhintay Magaalada Mexico dabaal degga Koobka Adduunka

Haweeneey 19 jir ah ayaa kamid ah saddex qof...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Ciidanka Qaranka oo soo bandhigay awood ciidan oo kobcaysa

Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo bandhigay awooddooda ciidan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles