Monday, August 10, 2026

Milateriga Israa’iil oo qirtay in ay dileen shaqaalaha Q.M

Milateriga Israa’iil ayaa qirtay mas’uuliyadda dilka shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay oo loo adeegsaday madaafiic, ka dib markii ay hore u beeniyeen inay ku lug lahaayeen, dhacdo bishii hore ka dhacday Marinka Qasa.

19-kii Maarso, shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay ayaa la dilay ka dib markii la burburiyay xarun ay Qaramada Midoobay ku lahayd Deir al-Balah. Xilligaas, ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) waxay ku andacoodeen inaysan weerarin xarunta.

Si kastaba ha ahaatee, maalintii Khamiista, IDF ayaa sheegtay in natiijooyinka ugu horreeya ee baaritaankooda ay muujinayaan in askartooda ay dileen shaqaalaha Qaramada Midoobay iyagoo si qaldan u beegsaday, ka dib markii ay ka shakiyeen in dhismaha oo ay u maleeyeen in ay ku sugnaayen wax ay ku tilmaameen cadowgooda”.

Bayaankooda waxay ku yiraahdeen: “Dhismaha waxaa la weeraray iyadoo la eegayo xog muujineysa in ay ku jireen dad mucaarad ah,”.

IDF ayaa intaa ku dartay in natiijadan baaritaanka ay u gudbiyeen Qaramada Midoobay, sidoo kalena baaritaan buuxa loo gudbin doono.

Waxay intaa ku dareen: “IDF waxay aad uga xun tahay dhacdadan halista ah waxayna sii wadaysaa inay samayso baaritaan dhab ah si ay u barato oo ay u qiimeyso tallaabooyin dheeri ah oo looga hortagayo dhacdooyinkan oo kale mustaqbalka.

“Waan ka tacsiyeyneynaa dhibaatada dhacday, waxaana uga tacsiyeyneynaa qoyska ay ka baxday”.

Dhacdadan oo sababtay dhimashada Marin Valev Marinov oo u dhalatay dalka Bulgaria oo u shaqaynaysay Qaramada Midoobay, isla markaana ay si xun ugu dhaawacmeen shan kale oo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay, ayaa dhacday maalin uun ka dib markii Israa’iil ay dib u bilowday weerarrada ay ku hayso Xamaas ka dib markii ay burburtay xabbad joojin labada bilood ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles