Ciidammada Suudaan ayaa xaqiijiyay in ay ka baxeen saldhiggii ugu dambeeyay ee ay ku lahaayeen galbeedka el-Fasher. Waxa lagu soo warramayaa in ciidmamada RSF la yidhaahdo ay la wareegeen gacan-ku-haynta magaaladaasi.
Khudbad laga sii daayay telefishanka ayaa Jeneraal Cabdilfataax al-Burhaan uu ku xaqiijiyay in ciidammadiisu ay ka baxeen halkaasi iyaga oo tudhaya dadka shacabka ah.
Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay waraka sheegaya tacaddiyo iyo gabood-fallo ka dhanka dadka rayidka ah oo ay gaysteen xoogagga RSF, maalmihii la soo dhaafay.


