Mucaaradka oo ka Doodaya Nooc Doorasho ka hor Dhamaadka Muddo Xileedka MW Xasan Sheekh

Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maanta sii wada dood ku saabsan nooc doorasho oo cusub, xilli uu soo dhow yahay dhammaadka muddo-xileedka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Doodda ayaa diiradda lagu saarayaa hannaan “dhexe” oo ka duwan labadii nidaam ee horey loo soo maray doorashadii dadbaneyd ee 2022 iyo nidaamka “qof iyo cod” ee uu wato madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in mucaaradku isku dayayaan inay ka soo saaraan hal aragti oo mideysan, si loogu gudbiyo beesha caalamka iyo odayaasha dhaqanka. Qorshaha la falanqeynayo ayaa la tilmaamay inuu noqon karo isku dhaf u dhexeeya doorasho dadban iyo mid dadweyne, si loo helo is-afgarad siyaasadeed.

Kulanka maanta ayaa la filayaa inuu noqdo mid go’aan laga gaaro, iyadoo suurtagal ay tahay in maalmaha Arbacada ama Khamiista la shaaciyo nooca doorasho ee ay mucaaradku soo jeedinayaan.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo u safray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashada ayaa goordhow ku dhawaaqay...

Itoobiya oo badeshay ciidamadeeda ku sugnaa Baydhabo iyo kuwa cusub oo ay geysay Magaalada

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beddeshay dhammaan ciidamadii...

Burburin iyo barakac xooggan oo ka socda Buulo Eelay, Muqdisho oo wajahaysa qax

Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

Iiraan oo u jawaabtay Mareykanka hal su’aal na weydiisay

Ku xiigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles