Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka soo xukumay ayaa si weyn uga walaacsan go’aan ay sheegeen inuu yahay hal dhinac oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku joojisay qaab-dhismeedka iskaashiga caalamiga ah.
Arrintan ayay ku sheegeen in si weyn u dhaawacayso iskaashiga wax ku oolka ah ee dhinacyada gudaha iyo dibadda, taasoo ka tarjumeysa go’doon siyaasadeed oo sii xoogeysanaya iyo fashilka dowladda ee ku saabsan wada shaqeynta qaran iyo midda caalami.
Qoraalka ay soo saareen Mucaaradka ayaa waxaa ay Madaxweyne Xasan Sheekh lagu eedeeyay inuu qaaday tallaabooyin siyaasad khatar ku ah hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin xadgudubka xuquuqda axsaabta siyaasadeed, adeegsiga awood ciidan si aan sharciga waafaqsanayn, kordhinta saamaynta sharci-dejinta ee Baarlamaanka, caburinta warbaahinta madax-bannaan, iyo kala fogaanshaha xulafada beesha caalamka.
“Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed waxay si qoto dheer u fahamsan tahay caqabadaha waaweyn ee horyaalla Soomaaliya, sida khatarta kooxda Al-Shabaab, qalalaasaha siyaasadeed, iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee isdaba joogga ah. Waxay aaminsan tahay in xal waara oo arrimahan looga gudbo uu ku xiranyahay iskaashi ballaaran, wada-tashi qaran oo dhab ah, iyo taageero caalami ah oo mideysan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.