Tuesday, August 18, 2026

Israaโ€™iil oo weerar ku qaaday Iran

Israaโ€™iil โ€™il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday dalka Iiran, iyadoo beegsatay Xarumaha Niyukliyeerka dalkaasi, Saldhigyada ciidamada iyo Guryaha ay degan yihiin Saraakiisha iyo Khubarada Iiraan.

Weerarkan oo lama filaan ahaa, balse muddooyinkan la saadaalinayay ayaa ilaa hadda socda, waxayna Madaxda Yuhuudda ee Raโ€™iisal wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa difaaci Isray-iil Katz sheegeen inuu toddobaadyo socon doono.

Weerarka waxaa loo adeegsaday tobanaan ka mida Diyaaradaha dagaalka oo sii maray hawada Dalalka Jordan iyo Iraq. Mareykanka ayaa iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay weerarkan.

Goobaha la duqeeyay waxaa ka mida xarunta Natanz ee ugu weyn ee goobaha ay Iran ku xoojiso awoodeeda Niyukliyeerka oo la xaqiijiyay in dhowr jeer ay duqeeyeen.

Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda, waxaa kaloo la duqeeyay xarunta ilaalada Kacaanka Iran, saldhigyada ciidamada cirka iyo xarumaha milateriga.

Illaa iyo hadda warbaahinta Iran ayaa xaqiijisay in lagu dilay weerarkii Israโ€™il

  • Hossein Salami, Taliyihii Guud ee Ilaalada kacaanka Islaamiga ah
  • Gholamali Rashid, Taliyihii Xarunta Dhexe ee Khatam-al Anbiya
  • Fereydoon Abbasi, Saynisyahan cilmiga Nukleerka, islamarkaana horay u soo noqday madaxa Ururka Tamarta Atomikada
  • Mohammad Mahdi Tehranchi, Saynishan kale oo cilmiga Nukleerka
  • Mohammad Bagheri, Abbaandulihii Ciidamada Qalabka Sida ee Iran

Waxaa sidoo kale dhaawac loo geystey Cali Shamkhani oo ah Lataliye sare u ahaa Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Supreme Ayatollah Cali Khamenei

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles