Saturday, August 8, 2026

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka soo xukumay ayaa si weyn uga walaacsan go’aan ay sheegeen inuu yahay hal dhinac oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku joojisay qaab-dhismeedka iskaashiga caalamiga ah.

Arrintan ayay ku sheegeen in si weyn u dhaawacayso iskaashiga wax ku oolka ah ee dhinacyada gudaha iyo dibadda, taasoo ka tarjumeysa go’doon siyaasadeed oo sii xoogeysanaya iyo fashilka dowladda ee ku saabsan wada shaqeynta qaran iyo midda caalami.

Qoraalka ay soo saareen Mucaaradka ayaa waxaa ay Madaxweyne Xasan Sheekh lagu eedeeyay inuu qaaday tallaabooyin siyaasad khatar ku ah hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin xadgudubka xuquuqda axsaabta siyaasadeed, adeegsiga awood ciidan si aan sharciga waafaqsanayn, kordhinta saamaynta sharci-dejinta ee Baarlamaanka, caburinta warbaahinta madax-bannaan, iyo kala fogaanshaha xulafada beesha caalamka.

“Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed waxay si qoto dheer u fahamsan tahay caqabadaha waaweyn ee horyaalla Soomaaliya, sida khatarta kooxda Al-Shabaab, qalalaasaha siyaasadeed, iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee isdaba joogga ah. Waxay aaminsan tahay in xal waara oo arrimahan looga gudbo uu ku xiranyahay iskaashi ballaaran, wada-tashi qaran oo dhab ah, iyo taageero caalami ah oo mideysan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles