Saturday, December 20, 2025

Mucaaradka oo ku dhawaaqay dowlad kale inay dhisayaan haddii MW Xasan Sheekh uu wadahadalo furi waayo bil gudaheed

War saxaafadeed ayaa laga soo saaray shirka Golaha mustaqbalka Soomaaliyeed ee Mucaaradka oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kaasi oo maalmahan ka socday magaalada Kismaayo.

Shirka Kismaayo ayaa laga soo saaray 17 qodob oo looga hadlay xaalada Siyaasadeed uu xiligan marayo dalka, gaar ahaan amniga, Dhaqaalaha, doorashooyinka iyo wax ka badalka lagu sameeyay Dastuurka dalka.

Golaha Wadatashiga ayaa ku hanjabay in ay qabsan doonaan doorasho haddii muddo bil gudaheed ah uu wada hadal furi waayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

“Madaxweynuhu hadduu muddo bil ah ku furi waayo wada-hadal doorasho… waxa goluhu diyaarinayaa doorasho uu dalka ka qabanayo.”

Golaha Mustaqbalka “Doorashada Banaadir waa mid hal koox wadato.. heshiisna laguma aha maqaamka caasimad.”

Shirweynaha aayo-katashiga Soomaaliyeed oo ay isugu yimaadeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, mudanayaal ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Siyaasiyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay Dalka iyo qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah, ayaa isku raacay in Madaxweynuhu uu dayacay ammaankii Dalka, isagoo gebi ahaanba joojiyey dagaalkii lagula jiray argagixisada Al-shabaab, ciidankii xoogga Dalkana u loogay cadowga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo hakisay waxbarashada sabab la xiriirta doorashooyinka

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shirka ka socda Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si faahfaahsan uga...

Wararkii ugu dambeeyay shirka ka socda Kismaayo

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo...

Xuska 82 sano guuradii ka soo wareegatay as aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabanayo Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka...

Mareykanka oo weerar ballaaran ku qaaday Daacishta Suuriya

Maraykanka ayaa sheegay in ciidankiisu ay “weerar ballaaran” ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles