Tuesday, May 19, 2026

Mucaaradka oo markale ku dhawaaqay Banaanbax ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Golaha Samatabixinta Mucaaradka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay bannaanbaxyo waaweyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho, kuwaasi oo la qorsheeyay inay billowdaan 4-ta bisha Juun, islamarkaana ay sii socdaan khamiis kasta ilaa laga gaarayo heshiis laga wada oggol yahay oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Shir jaraa’id oo mucaaradku ku qabteen Hotel Jazeera ee Muqdisho ayay ku sheegeen in bannaanbaxa 4-ta Juun uu noqon doono mid aad u ballaaran, iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kasoo qeyb galaan waxa ay ku tilmaameen “difaaca dastuurka iyo badbaadinta dalka.”

Madaxda mucaaradka ayaa si adag u weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedeeyay inuu muddo xileedkiisu dhammaaday 15-kii May, islamarkaana aanu haysan sharciyad siyaasadeed oo uu dalka ku sii hoggaamiyo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in 4-ta June magaalada Muqdisho ay ka dhici doonto bannaanbax weyn oo shacabka ay ku muujin doonaan aragtidooda siyaasadeed iyo diidmadooda hanaanka hadda socda.

Sidoo kale siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in mucaaradku ay heleen xog ku saabsan qorshe dowladda ay ciidamo ugu adeegsan karto dadka kasoo horjeeda siyaasadda Villa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri:

“Xasan Sheekh ‘Bannaanbax’ iyo ‘Madaxweyne hore’ inuu maqlo wuu neceb yahay, annagana kama dayneyno.”

Hadalka mucaaradka ayaa kusoo aadaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka, muddo kordhinta hay’adaha dowladda iyo wada-hadalladii fashilmay ee Muqdisho uga socday dowladda iyo mucaaradka.

Waxaa jira cabsi laga qabo in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho isku dhac amni, iyadoo mucaaradku ay ku baaqayaan bannaanbaxyo joogto ah halka dowladda Federaalka aanay weli si rasmi ah uga jawaabin jadwalka cusub ee bannaanbaxyada lagu dhawaaqay.

WARARKII KALE

Dil ka dhacay Boosaaso iyo Faahfaahino ka soo baxaya

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in Magaalada...

Wasiir Fiqi oo si adag u weeraray Mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si cad...

Qaramada Midoobey oo farriin culus kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto...

Trump oo ka hadlay toogashada Masaajidka Islamic Center ee San Diego

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay toogashada dhacday...

Burcad badeed Soomaali ah oo markab ka dalbaday madaxfurasho 3 malyan oo doollar ah

Hay’adda Ansar Burney Trust oo ah hay’ad xuquuqul insaanka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles