Wednesday, March 4, 2026

Mucaaradka oo qaadacay ka qaybgalka shirka Madaxweynaha

Madasha Samata-Bixinta Soomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in aanu ka qeyb galeynin shirka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iclaamiyay in la isugu yimaado 15-ka bishan Juun.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Madasha ayaa lagu sheegay in gogosha Madaxweynaha ay horey u soo dhoweeyeen 1-da Juun, balse ay baaqdeen ka dib markii aan si cad loo qeexin ajandaha shirka, aan la cayimin cidda rasmiga ah ee ka qeybgaleysa, islamarkaana aysan jirin hannaan wada-tashi qaran oo hufan.

Madasha ayaa sheegtay in gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhaliyay walaac, kalsooni darro iyo kala fogaansho siyaasadeed, taas oo dhaawacaysa rajadii laga qabay midnimo siyaasadeed iyo xal waara oo loo helo khilaafaadka taagan.

Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay in shir kasta oo lagu magacaabo mid qaran uu u baahan yahay in loo maro hab wada-tashi ah oo loo dhanyahay, si loo gaaro natiijo lagu kalsoonaan karo. Waxay sidoo kale xuseen in ay mar walba u taagan yihiin ilaalinta midnimada, wadajirka, iyo masiirka guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Golaha Samata-Bixinta wuxuu sheegay in uu weli diyaar u yahay gogol siyaasadeed oo dhab ah oo lagu xallin karo kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee taagan, loogana hortagi karo khataraha dalka horyaalla.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles