Wednesday, July 2, 2025

Mucaaradka oo qaadacay ka qaybgalka shirka Madaxweynaha

Madasha Samata-Bixinta Soomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in aanu ka qeyb galeynin shirka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iclaamiyay in la isugu yimaado 15-ka bishan Juun.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Madasha ayaa lagu sheegay in gogosha Madaxweynaha ay horey u soo dhoweeyeen 1-da Juun, balse ay baaqdeen ka dib markii aan si cad loo qeexin ajandaha shirka, aan la cayimin cidda rasmiga ah ee ka qeybgaleysa, islamarkaana aysan jirin hannaan wada-tashi qaran oo hufan.

Madasha ayaa sheegtay in gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhaliyay walaac, kalsooni darro iyo kala fogaansho siyaasadeed, taas oo dhaawacaysa rajadii laga qabay midnimo siyaasadeed iyo xal waara oo loo helo khilaafaadka taagan.

Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay in shir kasta oo lagu magacaabo mid qaran uu u baahan yahay in loo maro hab wada-tashi ah oo loo dhanyahay, si loo gaaro natiijo lagu kalsoonaan karo. Waxay sidoo kale xuseen in ay mar walba u taagan yihiin ilaalinta midnimada, wadajirka, iyo masiirka guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Golaha Samata-Bixinta wuxuu sheegay in uu weli diyaar u yahay gogol siyaasadeed oo dhab ah oo lagu xallin karo kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee taagan, loogana hortagi karo khataraha dalka horyaalla.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles