Mucaaradka oo war ka soo saaray kulamada ay la qaateen MW Xasan Sheekh

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maanta soo saartay war-murtiyeed ay kaga hadashay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, kadib kulan ay muddo ku dhow laba bilood wadahadallo kula lahayd Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madasha ayaa sheegtay in kulamadii wadaxaajoodka aysan ka dhalan wax heshiis ah oo wax ka beddel ku sameeya xaaladda siyaasadeed, amniga iyo hannaanka doorasho ee dalka, taasoo ay ku tilmaantay fursad weyn oo lumisay rajadii shacabka Soomaaliyeed.

War-murtiyeedka ayaa lagu xusay in dalka uu marayo marxalad kala bayr ah oo khatar ku ah jiritaanka dowladnimada, midnimada iyo wadajirka ummadda, iyadoo khilaaf siyaasadeed iyo colaado hubeysan ay caqabad ku yihiin dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro argagixisada.

Madasha Samatabixinta ayaa ku baaqday:

In dib loogu laabto dastuurkii KMG ahaa ee 2012, si loo xaqiijiyo nidaamka Baarlamaani ee lagu heshiiyey Carta.

In 9-ka bil ee ka harsan muddo xileedka madaxweynaha xal degdeg ah laga gaaro doorasho toos ah oo qof iyo cod ah, sida ku cad heshiisyadii hore.

In si degdeg ah loo joojiyo colaadda ay dowladda ka waddo gudaha dalka, gaar ahaan gobolka Gedo.

In madaxweynaha uu hakiyo dhammaan arrimaha dhulka ee dhalinaya qalalaase iyo xasillooni darro.

Ugu dambeyn, Madasha ayaa caddeysay in ay diyaar u tahay wadaxaajood kasta oo lagu badbaadinayo dalka, iyada oo mudnaan siineysa midnimada, wadajirka shacabka iyo danta guud. Waxay sidoo kale xaqiijisay in guddigooda wadaxaajoodka uu sii wadi doono hawlaha loo igmaday.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles