Sunday, May 10, 2026

Mucaaradka oo war ka soo saaray kulamada ay la qaateen MW Xasan Sheekh

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maanta soo saartay war-murtiyeed ay kaga hadashay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, kadib kulan ay muddo ku dhow laba bilood wadahadallo kula lahayd Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madasha ayaa sheegtay in kulamadii wadaxaajoodka aysan ka dhalan wax heshiis ah oo wax ka beddel ku sameeya xaaladda siyaasadeed, amniga iyo hannaanka doorasho ee dalka, taasoo ay ku tilmaantay fursad weyn oo lumisay rajadii shacabka Soomaaliyeed.

War-murtiyeedka ayaa lagu xusay in dalka uu marayo marxalad kala bayr ah oo khatar ku ah jiritaanka dowladnimada, midnimada iyo wadajirka ummadda, iyadoo khilaaf siyaasadeed iyo colaado hubeysan ay caqabad ku yihiin dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro argagixisada.

Madasha Samatabixinta ayaa ku baaqday:

In dib loogu laabto dastuurkii KMG ahaa ee 2012, si loo xaqiijiyo nidaamka Baarlamaani ee lagu heshiiyey Carta.

In 9-ka bil ee ka harsan muddo xileedka madaxweynaha xal degdeg ah laga gaaro doorasho toos ah oo qof iyo cod ah, sida ku cad heshiisyadii hore.

In si degdeg ah loo joojiyo colaadda ay dowladda ka waddo gudaha dalka, gaar ahaan gobolka Gedo.

In madaxweynaha uu hakiyo dhammaan arrimaha dhulka ee dhalinaya qalalaase iyo xasillooni darro.

Ugu dambeyn, Madasha ayaa caddeysay in ay diyaar u tahay wadaxaajood kasta oo lagu badbaadinayo dalka, iyada oo mudnaan siineysa midnimada, wadajirka shacabka iyo danta guud. Waxay sidoo kale xaqiijisay in guddigooda wadaxaajoodka uu sii wadi doono hawlaha loo igmaday.

WARARKII KALE

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

DFS iyo Beesha Caalamka oo ka wadahadlay arrimaha amniga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda  Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa...

DFS oo mucaaradka ku eedeysan inay abaabulayaan banaanbax rabshado wata

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diidaneen dibadbax...

Shacabka Koofur Galbeed oo saaka doorasho u dareeray

Deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa saaka looga...

Mucaaradka oo aqbalay in Bannaanbaxa lagu qabto Garoonka Injineer Yariisow

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn aqbalay in bannaanbaxooda...

Waa sidee Saaka xaalka Muqdisho?

Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabareysatay, ciidamo badan oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles