Muddo xileedka MW Xasan Sheekh oo dhammaaday iyo hubanti la’aan doorasho oo ka jirta dalka

Maanta oo ah 15-ka May 2026 ayaa waxaa ku eg muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, iyadoo dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah.

Mucaaradka dowladda Federaalka, qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin hore ayaa muddooyinkii dambe si isdaba joog ah u sheegayay in muddo xileedka madaxweynaha uu si rasmi ah maanta u dhammaanayo, islamarkaana aan la aqbali doonin muddo kororsi aan heshiis siyaasadeed lagu dhisin.

Doodda ugu weyn ayaa ka taagan sharciyadda sii joogitaanka dowladda, maadaama aan weli la isku raacin hannaan doorasho oo mideysan. Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda horay u sheegtay inay waddo qorshaha doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ay ku baaqeen shir siyaasadeed loo dhan yahay si xal looga gaaro kala guurka siyaasadeed.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xerada Xalane ayaa waxaa ka socdaan dadaallo ay wadaan wakiillo caalami ah oo lagu doonayo in looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo isku dhac ka dhasha muranka doorashooyinka.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helnay ilo xog ogaal ah oo ku sugan goobta uu shirku ka socdo ayaa waxay sheegayaan in dhinacyada dowladda iyo mucaaradka ay isku soo dhawaanayaan islamarkaana ay ka heshiiyeen waxyaabaha qaar halka maanta loo balansanyahay inuu shirku sii socdo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles