Friday, May 15, 2026

Sarkaal ka tirsanaa Puntland oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay G/Bari

Guddoomiyihii hore ee degmada Ufeyn Kabtan Maxamed Axmed Carab, hadana ahaa sarkaal ciidan ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray dagaal shalay galinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan Puntland iyo ururka Daacish.

Daacish ayaa jidka u gashay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Puntland, kuwaas oo marayay togga Jaceel, waxaana dagaalkaas ku dhintay ilaa 5 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Sidoo kale Daacish ayaa dagaalkaas lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo badanayay weerarada ay gaystaan argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysata buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

WARARKII KALE

Shirkii u socday DFS iyo Mucaaaradka oo fashil ku soo dhammaaday

Shirkii ka socday Xerada Xalane ee u dhexeeyay MW...

DFS oo ciidankii Lafta gareen ku eedeysay inay la shaqeeyaan Al-Shabaab

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay...

Saraakiishii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay Baydhabo oo maanta Aas Qaran loo sameeyay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Jibriil...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Dhalinyarada SYL

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Mucaaradka oo dib u dhigay Banaanbaxa Beri ay ku qaban lahaayeen Muqdisho

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee Mucaaradka ayaa shaaciyay inay dib...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles