Trump oo u hanjabay Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dulqaadkii uu u hayay Iiraan uu sii dhammaanayo ka dib markii uu la hadlay hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping.

Madaxweyne Trump ayaa Khamiistii wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay hadalkan, ka dib markii hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping kala hadlay dagaalka Iiraan.

Shalay, ciidamada Iiraan ayaa la sheegay inay qabteen markab marayay xeebaha Imaaraadka Carabta.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump iyo Xi ay ku heshiiyeen in marin biyoodka Hormuz uu furnaado inta ay wadahadalladoodu socdaan.

Ka dib markii Israa’iil iyo Mareykanka ay weerareen Iraani bishii Febraayo 28, Iiraan ayaa ka aargoosatay iyadoo xirtay marin biyoodka Hormuz.

Tani waxay carqaladeysay isu socodka iyo ganacsiga saliidda iyo gaaska adduunka.

Shiinaha waa xulafada ugu dhow Iiraan, sidoo kalena wuxuu ka iibsadaa saliid badan.

Mareykanka ayaa bishii hore joojiyay duqeymihii uu ka geysan jiray Tehran ka dib markii ay dhexdhexaadisay Islamabad, laakiin wuxuu gebi ahaanba xannibay maraakiibta xamuulka qaada ee u socda dekedaha Iiraan.

Wadahadalladii u dhexeeyay labada dal ayaa hakad galay ka dib markii Iiraan ay diiday inay ogolaato in la joojiyo barnaamijkeeda nukliyeerka iyo uranium-keeda la kobciyo.

“Ma u sii dulqaadan doono,” ayuu Trump ku yiri wareysi uu siiyay Fox News. “Waa inay ogolaadaan.” Ayuu sii raaciyay.

Wuxuu sheegay in kaydka Yuraaniyamka ee Iiraan ee la kobciyay uusan ahayn khatar amni, balse ay tahay in Mareykanka uu maamulo.

“Uma maleynayo inay lagama maarmaan tahay marka laga reebo shaqada xiriirka dadweynaha,” ayuu ku yiri wareysi uu bixiyay.

“Way fiicnaan lahayd haddii ay gacantayda ku jiri lahayd. Laakiin waxaan u maleynayaa inay tahay shaqo xiriir dadweyne oo ka weyn wax kasta oo kale.” Ayuu sii raaciyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles